Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Loo Xiray Afgembigii Fashilmay Ee Dalka Madagaskar

Recommended Posts

Deeq A.   

Boliska waddanka Madagaskar waxay sheegeen in la xiray 21-qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Milliteriga iyo kuwa Xoojinta Sharciga, kuwaasi oo lala xiriirinayo Afgembigii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Andaray Rajoelina.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi, Bertin Razafiyarifuni ayaa u sheegay Suxufiyiinta in 14 ka midah Eedeysanayaasha la xiray loo gudbiyey Hay’adaha Baaritaanka.

Waxa uu intaasi ku daray in Baarayaasha heleen Dukumenti faahfahin ka bixinayo Qorshaha Istraatijiyada ee lagu khaaarijin lahaa 5 Siyaasi oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Madagaskar.

Bishii la soo dhaafay ee July ayaa la fashiliyey Afgembigaasi, iyadoo la xiray dhowr qof oo ay ka mid ahaayeen 2 Muwaadin oo Faransiis ah.

PUNTLAND POST

The post Dad Loo Xiray Afgembigii Fashilmay Ee Dalka Madagaskar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this