Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo baaq u jeediyay madaxweynaha Tunisia

Recommended Posts

Deeq A.   

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo waddada dimoqraadiyadda kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta.

Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi.

Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo baaq u jeediyay madaxweynaha Tunisia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this