Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu xiray Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, G/sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan), oo xalay khudbad ka jeediyay xaflad ku saabsan xuska kowda Agoosto oo Boosaaso lagu qabtay, ayaa ka hadlay Amniga Gobolka Bari.

G/sare Xuseen Cali Daan, ayaa sheegay in guud ahaan Amniga Gobolka Bari, gaar ahaanna Xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso uu aad u wanaagsanyahay, islamarkaana aysan wax dhibaato ah ka jirin Gobolka.

Taliyaha ayaa sheegay in wada-shaqaynta Laamaha Ammaanka iyo Shacabka ay suurta-gelisay in lagu guulaysto Xaqiijinta Amniga magaalada Boosaaso iyo dhammaan degmooyinka kale ee Gobolkaasi Bari.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa tilmaamay in xabsiga loo taxaabay askar ka tirsan Ciidamada Gobolka Bari, kuwaas oo rasaas ku riday dad shacab ah.

Halkaan ka daawo Hadalka Taliyaha

PUNTLAND POST

The post Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this