Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Wararkii u dambeeyay ee doorashada Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan soo saaro liiska murashixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan, in madaxweynuhu diyaariyay liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland, islamarkaana uu soo saari doono maalmaha soo socda.

Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayaa la filaya in uu todobaadkan magacaabo guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare, si Baarlamanku u doorto xubnahaasi.

Baarlamanka oo maalmahan fasax ahaa ayaa sida qorshaysan Talaadada berri ah dib uga soo laaban doona fasaxa, si ay u guda-galaan doorashada Aqalka sare.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Wararkii u dambeeyay ee doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this