Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Markale Kulan Isugu Keene Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuled

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay markale kulan la qaatay sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed.

Rooble ayaa kulanka kala hadlay labada mas’uul sidii loo xalin lahaa khilaafka ka jira arrinta Somaliland, oo ay isku hayaan sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul laga wareystay waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii kulanka hore.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi”. ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska ra’iisul wasaaraha ka soo baxay.
Qoraalka ayaa sidoo kale intaas lagu sii daray in Cabdi Xaashi uu codsaday in muddo hal maalin ah la siiyo si heshiis loo gaaro.
“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay”, ayaa qoraalka lagu soo gaba gabeeyay.
Sikastaba khilaafka arrinta Somaliland ee guddiyada doorashada ayaa muddo waxaa isku haysto sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxmed Guuleed.
sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this