Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Sacuudiga oo khafiifisey xanibaadii & Shuruudihii saarnaa Dadka booqanaya Dalkaa

Recommended Posts

Deeq A.   
Dawlada Sacuudiga oo khafiifisey xanibaadii & Shuruudihii saarnaa Dadka booqanaya Dalkaa
saudi.jpg

Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay waajib tahay in dadka gelaya Dukaamada iyo goobaha ganacsiga ama isticmaalaya gaadiidka dadweynuhu ay ka talaalan yihiin cudurka Coronavirus.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in talaalku shardi u yahay adeegsiga goobahaas guud ahaan gobolada dalka oo dhan.

Sacuudiga ayaa sidoo kale oo uu haatan sheegay in loo ogolaan doono inay dalka soo galaan dadka shisheeyaha ah haddii ay tallaalan yihiin oo ay sitaan shahaado muujinaysa inay talaal buuxa qaateen iyo sidoo kale warqadda baaritaanka oo ah in aan qofkaasi aanu qabin COVID-19.

Cudurka ayaa Sacuudiga ku dilay kumanaan qof oo ka mid ahaa dadkii uu soo ritay sanadihii la soo dhaafay, waxaana sanadkii labaad dadka diebada ka imanaya loo diiday iney soo xajiyaan sababo la xiiira cudurkan.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this