Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay qorshaha ku wajahan Mareykanka ee Erdogan uu cayaarayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa dalbanaya inuu ilaaliyo amaanka garoonka istaraatiijiga ee Kabul, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan Afghanistan taasoo, khubaradu amaanku u arkaan dalab halis badan oo lagu hagaajinayo xiriirka Ankara iyo Washington oo xumaaday sanadihii la soo dhaafay.

In xoogagga Taliban laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Kabul ayaa noqotay arrin weyn kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu ku baaqay in la soo afjaro howlgalka Washington ee 20-ka sano ka socda bariga dhexe isagoo amar ku bixiyay in “dhammaan ciidamadiisa ay ka baxaan Afghanistan dhammaadka bishaan August 2021.”

Garoonka dayuuradaha Kabul ee Hamid Karzai waa marinka ugu nabadgalyada badan oo ay daganyihiin dublumaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimad si ay u caawiyaan wadankaan ay dagaalladu halakeeyeen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo soo jeedinta ‘layaabka badan’ u arka fursad ay Ankara ku dhisi karto xiriirka kala dhaxeeya Washington, ayaa kala hadlay qadiyadaan Biden intii uu socday  kulankoodii ugu horreeyay ee shir madaxeedka NATO bishii June.

Dalabka ayaa la rumaysanyahay in hoggaamiyaha Turkiga uu ka lahaa labo ujeedo midkood oo kala ah in uu xiriir wanaagsan la yeesho xulafadiisa reer Galbeedka iyo ka -hortagga qulqulka qaxootiga iyadoo la furayo waddooyinka gargaarka.

“Turkigu wuxuu dan gaar ah ka leeyahay xasiloonida Afghanistan,” ayay tiri Magdalena Kirchner, oo ah agaasimaha Afghanistan ee saldhigga Jarmalka Friedrich-Ebert-Stiftung.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in aysan siyaasadeed daro ka lahayn balse ay doonayaan in laga yareeyo dhibaatada dadka reer Afghanistan.

“Ujeeddadeennu waa in aan hubinno in Afghanistan aysan ku xirnayn dibaadada dunida, in aysan go’doon ahayn,” ayaa laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah.

Qaramada Midoobay ayaa bishan sheegtay in 18 milyan oo qof ama kala bar dadka reer Afghanistan ay u baahan yihiin gargaar, halka kala bar dhammaan carruurta ka yar shanta sano ay la il daran yihiin nafaqo -darro ba’an.

– ‘Soo cesho raalli ahaanshaha’ –

In kasta oo Washington ay weli u aragto Turkiga inuu yahay xulafo muhiim u ah bariga dhexe, haddana xiriirkooda waxaa hareeyey khilaafyo, ay xudun u yihiin soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka.

Washington ayaa Ankara ku soo rogtay cunaqabatayn xagga wax iibsiga ah sannadkii hore taas oo sii xumaysay xiriirka laba wadan.

“Arrinta ugu weyn ee ka dambaysa soo jeedinta garoonka dayuuradaha … waa xiriirka Turkiga iyo Mareykanka: Ankara waxay rajaynaysaa in ay dib ula soo laabato raalli ahaanshaha Washington ka dib xiisado diblomaasiyadeed,” ayuu falanqeeye Salim Cevik ku qoray warqad loogu talagalay hay’adda SWP ee Jarmalka.

Saraakiisha Turkiga ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiyaan waxa ay Ankara ka rabto Washington si ay ugu sii joogto Afghanistan, laakiin Erdogan ayaa sheegay in Turkigu u baahan yahay taageero xagga saadka iyo maalgelinta Mareykanka. 

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sidoo kale xusay suurtogalnimada in Hungary iyo Pakistan ay qayb ka noqdaan howlgalka, hase yeeshe saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Ankara aysan wada hadal toos ah oo ku saabsan gegida la yeelan Islamabad, Hungary-na aysan wax badan ku lahayn howlgalka socda.

– ‘Waan kugu kalsoonahay’ –

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale la hadlaysa Daalibaan iyadoo rajo ka qabta in ay hesho qorshe ka ilaalin kara ciidamada Turkiga in ay noqdaan bartilmaameedyada dhaqdhaqaaqa mayalka adag ee Daalibaan.

Daalibaan ayaa si cad u sheegtay in fikirka ah in milateriga Turkigu sii joogaan Kabul ay tahay “wax laga xumaado”.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay “inuu arko xalka wada –hadalka uu kula jiro Taalibaan halka ay geynayaan”.

“Wadahadallada aan la yeelanay Daalibaan, waxay noo sheegeen:‘ waan inku kalsoonahay, waan ognahay inaadan lahayn ajande qarsoon’,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah.

Turkiga waxaa Afghanistan ka jooga ku dhawaad 500 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka NATO kama aysan qayb qaadan dagaalka.

– ‘Reer Yurub ayaa walwalsan’ –

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa warbixin ay soo saartay 2020 waxa ay ku sheegtay in 125,104 qaxooti reer Afganistan ku suganyihiin Turkiga, oo hoy u ah 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah.

Erdogan ayaa heshiis la galay Midowga Yurub sanadkii 2016 kaas oo uu Turkigu kula heshiiyey in uu martigeliyo muhaajiriinta taas oo lagu beddelayo balaayiin doollar oo gargaar ah.

Ankara iyo Brussels ayaa hadda ka shaqeynaya sidii loo cusbooneysiin lahaa heshiiska, iyadoo Afghanistan ay durba awood u leedahay wadahadalada u dhexeeya saraakiisha reer Yurub iyo Turkiga.

“Reer Yurub ayaa walwalsan,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah.

Wadar ahaan 201,437 muhaajiriin reer Afghanistan ah ayaa lagu qabtay Turkiga sannadka 2019. 

The post Muxuu yahay qorshaha ku wajahan Mareykanka ee Erdogan uu cayaarayo? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this