Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Golaha Wakiilada S/land oo ka Hadlay Xeer Hoosaadka lagu Hagi Doono Fadhiga Cusub ee Wakiillada Berrito 

Recommended Posts

Deeq A.   
Xoghayaha Golaha Wakiilada oo ka Hadlay Xeer Hoosaadka lagu Hagi Doono Fadhiga Cusub ee Wakiillada Berrito
 ayaanle.jpg

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa ka hadlay Xeer hoosaadka lagu hoggaamin doono fadhiga ugu horeeya ee   Golaha Wakiillada ee Cusub.

 

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu usoo jeediyay Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiillada in ay soo qaataan kaadhka dhalashada isla markaana Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada ay ku caday  in Xildhibaanada u sharraxan Shirguddoonka Golaha Wakiilada in ay soo gudbiyaan sii fiiyadooda.

 

“Waxa aanu faraynaa Xildhibaanada soo baxay in ay soo qaataan Kaadhkii dhalashada waxaanay Maxkamadda sarre noo soo gudbisay magacyadii Xildhibaanada,” ayuu yidhi

 

 

Sidoo kale Cabdirisaaq Ayaanle waxa uu sheegay in looga baahanyahay Xildhibaanada u taagan Shir-guddoonka in ay soo qortaan Siifiiyadooda. “Xildhibaanada  Musharraxiinta  ee u taagan in ay hoggaamiyaan golaha wakiillada sida xeer hoosaadka sheegayo ,waxa looga baahanyahay in Xildhibaan kastaa soo qorto codsigiisii booska  uu ku tartamayo ee guddoomiyaha Golaha iyo ku Xigeenka Koowaad iyo guddoomiye ku Xigeenka labaad iyo saddexaad. waana in ay soo raaciyaan siifiiyadooda iyo iyo labo sawir xeerka waxa ku qoran Maalinta ay fadhiistaan golaha wakiilada xildhibaanka ugu da’da weyn ayaan shirguddoomin doona fadhiga ugu horeeya, waxaana fadhiga furaya guddoomiyaha maxkamadda sarre marka uu dhaariyo Xildhibaanada guddoomiyaha Maxkamadda sarre waxa uu Sheegayaa Xildhibaanka ugu da’da weyn ee fadhiga hoggaamin doona,”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this