Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo U Kala Tartamaya Hadhimo Sharafeedyada Xildhibaannada KULMIYE Iyo Xafiisyadoodii Oo Xidhan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiiradda Xukumadda Madaxweyne Biixi,ayaa ah qaar aan saldhigan xafiisyaddooda muddooyinkii ugu dambeeyey,kuwaas oo ku mashquulsan soo xero-gelinta Xildhibaanno kooramka u buuxiya KULMIYE.

Wasiiradda Xukuumadda KULMIYE ayaa si weyn uga dhex-muuqda loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,kuwaas oo dhex-da u Xidhay raadinta iyo raacdada Xildhibaanno kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE.

Dhanka kalene xubna Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ficiladda ay samaynayaan ay yihiin qaar ay isku muujinayaan oo isku tusayaan Madaxweyne Biixi,isla markaana ay qaarkood ku ilaashanayaan kursigood oo ay is leeyihiin yaanno Madaxweyne Biixi ayaa xilka idinka qaadin.

Geesta kalene xubnaha Wasiiradda Xukuumadda KULMIYE ayaa maal-mihii u dambeeyey la sheegay in aanay qaarkood tegin guryahoodii,isla markaana ay u howdaan Hudheelada, iyadoo la arkayey Hadhimo sharafeed-yo is daba joog ah oo ay Wasiiradda Xukuumadda ku tartamayaan oo ay u samanaynayaan Xildhibaannada taabacsan musharraxiinta shir guddoonka KULMIYE.

Xildhibaan Axmed Dayib(Sheekh ku cadeeye) oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga WADDANI ayaa arrintaas ka hadlay waxaanu yidhi “Maanta waad ogtahay wasiiraddii shaqadoodii faraha ayey ka qaadeen Xildhibaannada ayey ku foogan yihiin , Xildhibaanku wasiiradda wuu ka sareeyaa Barri waa ninka u yeedhaya ee la xisaabtamaya,waxay u muqataa in wasiiraddu ay ka yaacayaan Gole la xisaabtama uun ee inay shaqada Qaranka u qabtaan ayey ahayd .”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this