Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Xuseen Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey sababta looga reebay liiska A/Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa markii u horeysay faah-faahin ka bixiyay sababtii looga reebay liiska musharaxiinta ee uu shalay soo saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Waxa uu sheegay in liiskaas looga reebay kala aragti duwanaanshaha Madaxda joogta Villa Somalia, wuxuuna xusay inaysan saamayn ku yeelan doonin u “adeegistiisa shacabka Soomaaliyeed” in uu waayay kursigiisii xildhibaanimo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in la gaari doonaa waqti rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed uu shaqeeyo, kuna doortaan matalayaashiina siyaasadda.

Halkaan ka aqriso qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook

Bismillaahi,

Marka Koowaad mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatey, marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan taageerada iyo dhiirigelinta ay ila garab istaagnaayeen.

Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaa shacabka Koonfur Galbeed oo aan ku matalayay Aqalka sare muddo xileedkii la soo dhaafay. Insha Allah waxaa la gaari doonaa waqti rabitaankiinu shaqeeyo kuna doorataan matalayaashiina siyaasadda.

Muddadii aan u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed waxaan ku dadaaley wixii karaankeyga ah inaan si daacadnimo ku jirto ugu adeego, una doodo xuquuqaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho, anigoo ka tirsanaa Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal. Dadaal weyna aan ka gaystay howshaas wali qabyada ah.

Intaas ka dib, waxaan aaminsanahay Qadarta Rabbi iyo in Alle SWT uu bixiyo Mulkiga doonistiisana wax lagu helo waxna lagu waayo, haddii ay insaanka oo dhan wax kula doonaana ay ku xiran tahay un doonista Alle.

Qalinka waxaa haysta mas’uul siyaasi ah oo heshiis siyaasadeed fursad loogu siiyey inuu kala doorto gaar ahaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad. Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan.

Insha Allah waxaan balanqaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee BFS aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba.

Waxaan uga mahad celinayaa shacabkii iyo masuuliyiintii aad u jeclaa inaan mar kale tartamo, waxaanna ugu baaqayaa inay is dejiyaan.

Mahadsanidiin,
Hussein Sheikh Mohamud

The post Senator Xuseen Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey sababta looga reebay liiska A/Sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this