Deeq A. Posted August 1, 2021 Xulka Bari oo goosha u dabaal-degaya Xulka kubbadda cagta gobolka Bari ayaa guul ku furtay tartanka gobollada Puntland, ka dib markii uu 1-0 uga adkaaday dhigiisa Nugaal. Goolka guusha waxaa gobolka Bari daqiiqadii 59-aad qeybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Fu’aad Cabdirashiid Dable oo caawin ka helay Maxamed Maxamuud Saqraawi. Xulka gobolka Bari ayaa qeytii dambe ee ciyaarta ku ciyaarayay 10 ciyaaryahan, markii uu mid ka mid ah ciyaartoydooda uu kaarka cas qaatay. Madaxweynaha Puntland ayaa galabta garoonka Mire Awaare ee Garowe ka furay tartanka gobollada Puntland oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood oo kala ah Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag, Haylaan, Karkaar, Ceyn iyo Gardafuu. Waxaa guruubka ‘A’ ku wada jira Nugaal, Bari, Sool, Sanaag iyo Haylaan, halka guruubka ‘B’ ay ku wada jiraan Mudug, Karkaar, Gardafuu iyo Ceyn. Tartanka kubbadda cagta gobollada Puntland ayaa socon doona muddo 15 beriya. PUNTLAND POST The post Xulka Bari oo guul ku furtay tartanka gobollada Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites