Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   
3.jpeg?resize=750%2C430&ssl=1

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka.

Guddiga doorashooyinka iyo kuwa xaqiijinta qoondada Haweenka ayaa iska xog-wareystay xaaladda doorashooyinka dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka  Batuulo Sheikh Axmed Gaballe ayaa kulanka ka sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta qoondada Haweenka ugu yaraan 30% isla markaana rajo wanaagsan ay ka qabaan arrintaas.

Sidoo kale Batuulo Gaballe ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ka dalbatay ilaalinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this