Deeq A. Posted August 1, 2021 Dhinacyadii maalmo ka hor ku dagaallamay degaanka SAAX-MAYGAAG ayaa weli isku horfadhiya halkaas. Labada dhinac ayaa diiddan in ay u hoggaansamaan amar ka soo baxay xukuumadda Puntland, kaas oo lagu faray in ay banneeyaan dhulkii lagu dagaallamay. Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday degaamaynta dhul daaqsimeedka SAAXMAYGAAG iyo SANGE-JEBIY, si loo xakameeyo xiisadda colaadeed ee ka aloosan dhulkaas. Colaadda u dhexaysa labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa marar kala duwan dhalisay iska hor-imaadyo hubaysan. PUNTLAND POST The post Xiisad weli ka taagan degaanka SAAX-MAYGAAG appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites