Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo markii u horeysay ka hadlay Natiijadii Dagaalka Tigray,Hub laga dhacay oo ay soo ceshadeen & ka bixitaankii Mekelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Axmed oo markii u horeysay ka hadlay Natiijadii Dagaalka Tigray,Hub laga dhacay oo ay soo ceshadeen & ka bixitaankii Mekelle

Fallaagada Tigray ayaa dib ula wareegtay caasimadda Mekelle
Fallaagada Tigray ayaa dib ula wareegtay caasimadda Mekelle

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka.

Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF.

Abiy oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in ‘ciidamada Itoobiya ay awood u leeyihiin in dagaal kale ay qaadaan balse loo baahan yahay ilaalinta amniga si Itoobiya loo horumariyo.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ugu habboon uu ahaa in ciidamada lagala soo baxo Tigray maadama uu ahaa qorshe muddo bil ah soo socday.

“Ka hor inta aanan xabad joojinta ku dhawaaqin, waxaa sameynayay la tashi badan, hanaanka ciidamada looga soo saaray Tigray waxay nagu qaadatay in ka badan bil”

Abiy ma uusan soo hadal qaadin shuruudaha ay TPLF ku xirtay xabbad joojinta.

Abiy ayaa sheegay in dowladda haatan ay soo afjartay halista maamulka TPLF isla markaana ay dib uga soo ceshatay hub ay horay ka dhaceen saldhigga militeriga ee ku yaalla Tigray.

“Marka aan eegno natiijada dagaalka, kooxda sharciga ayaa la horkeenay. Hubkii ay horay u dhaceen haatan gacanta ayaan ku heynaa, ciidamada difaaca ayaana dib loo abaabulay.”

Xabbad joojinta looga dhawaaqay Tigray “waa wax qof kasta uu ku fekerayay” si cashar looga barto waxa ka socda gobolka, ayuu yiri Abiy.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howsha haatan hortaalla ay tahay dib u dejinta dadkii ka qaxay colaadda, dhameystirka mashaariicda horumarineed ee gobolka iyo wax ka qabashada cudurka Covid-19.

Ciidamada TPLF oo u dabaaldegaya qabsashada Mekelle
Ciidamada TPLF oo u dabaaldegaya qabsashada Mekelle

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dagaalka u dhexeeya jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kumanaan kun oo qof.

In ka badan laba milyan ayaa sidoo kale ka barakacay, ku dhowaad 350,000 oo kalena waxaa saameysay macluul.

Dagaalka ayaa billowday bishii Nofeembar, markii fallaagada TPLF ay diideen dib-u-habeyn siyaasadeed oo ay qabsadeen saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaana la wareegay magaalada Mekelle dabayaaqadii isla bishaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this