Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Ganushi oo shaaciyey qorshaha Imaaraadka ee afgambiga ka dhacay Tunisia

Recommended Posts

Deeq A.   

Tunis (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta.

Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika.

“Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yiri Rashid Al-Ganushi.

Waxa uu intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay halis u arkaan Islaamka dimoqraadiga ah ee xisbigiisa Al-Nahda ay hoggaanka u hayaan. 

Waxa uu intaas ku daray in Tunisia aysan ka dhici doonin wax la mid ah wixii Masar ka dhacay 2013-kii, markaasi oo militariga ay xoog kula wareegeen awoodda, ayaga oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta.

“Tunisia ma ahan Masar. Waxaa jira xiriir ka duwan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda,” ayuu Al-Ganushi.

“Halkan wixii ka dambeeyey kacdoonka, ciidamada waxay ilaaliyeen xoriyadda iyo codeynta.”

Qays Saciid ayaa Axaddii qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii, sidoo kalena hakiyey baarlamanka, taasi oo lagu macneeyey afgambi muuqda.

Tunisia ayaa ahaa dalka kaliya ee kacdoonkii Carbeed uu hoggaamiyey dimoqraadiyad, waxaana tan iyo 2011 ka jira nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya.

Al-Ganushi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ka welwelsan yihiin heshiiska nabadeed ee dalka Libya, kaasi oo hoggaamin kara dowlad dimoqraadi ah.

“Aad ayey uga cabsadaan dimoqraadiyadda, waxaana welwelkoodu yahay inay ku baahdo gobolka Carbeed oo idil,” ayuu yiri.

The post Al-Ganushi oo shaaciyey qorshaha Imaaraadka ee afgambiga ka dhacay Tunisia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this