Sign in to follow this  
Deeq A.

Laftagareen oo tartamayaasha Aqalka Sare ka reebay xubnihii taageersanaa Midowga Musharaxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   
Laftagareen3.jpg?resize=512%2C341&ssl=1


Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa galinkii danbe ee maanta soo saaray liiska qaar ka mid ah tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa soo saaray musharaxiin ku tartami doona 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee koonfur Galbeed, kuwaas oo u badan dhalinyaro ku cusub saaxadda siyaasadda.

Liiska waxaa laga saaray xubno ka tirsan Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday oo ay ka mid yihiin Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud iyo Cabdullaahi Cabdi Garruun oo isna ah xogahayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo ee hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada Heer Koonfur Galbeed ayaa soo saarey jadwalka doorashada Aqalka Sare, waxayna shaaciyeen in maalinta Isniinta ee 2-da Agoosr 2021 lagu qaban doono Baydhabo doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa noqday hoggaamiyihii labaad ee magacaaba tartamaasha xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in uu maalmaha soo socda soo dhameystiro 3 xubnood ee ka dhiman.

PUNTLAND POST

The post Laftagareen oo tartamayaasha Aqalka Sare ka reebay xubnihii taageersanaa Midowga Musharaxiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this