Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo hayb-qabyaaladeed ula kala safatay ciyaartoyda gobollada

Recommended Posts

Deeq A.   


Qaar ka mid ah wasiiradda iyo agaasimeyaasha Puntland ayaa hayb-qabyaaladeed u kala taageeray ciyaartoyda gobollada Puntland, markii mid walba si gaara uu dhawaale siin iyo soo dhaweyn ugu sameeyay gobolka uu ka soo jeedo.

Qabyaaladeynta ay sameeyeen mas’uuliyiinta oo qaarkood loo isticmaalay warbaahinta dowladda ayaa noqotay mid la isugu faano, taas oo muujinaysa in aysan dhex u hayn gobollada iyo dadweynaha reer Puntland.

PhotoCollage_20210731_210257846.jpg?resiWasiir ku xigeenka maaliyadda iyo wasiirka duulista hawada oo lacago ku taageeeray ciyaartoyda gobolka ay ka soo jedaan

Mas’uuliyiin soo dhaweynaysay ciyaartoyda gobollada ay ka soo jeedaan ayaa si gaara u guubaabiyay ciyaartoyda, waxayna u ballan-qaadeen in ay la garab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba ah.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah ciyaartoyda gobollada aysan jirin cid dowladda ka socota oo soo dhaweysay, taas oo ka dhigan in wasiiro goboladooda ka soo jeeda aysan xilal ka ahayn dowladda ama shaqo ku maqan yihiin.

FB_IMG_16276917870029088.jpg?resize=720%Wasiirka qorsheynta iyo wasiir ku xigeenka amniga oo soo dhaweeyay ciyaartoyda gobolka ay ka soo jeedaan

Mas’uuliyiinta goboladda iyo degmooyin waa shaqadooda in ay taageero u muujiyaan ciyaartoyda matalaysa goboladooda, hase ahaatee mas’uuliyiinta dowladda dhexe waxaa wanaagsan in ay si siman u taageeraan ciyaartoyda gobollada, mid walboo guuleystana ay u hambalyeeyaan.

FB_IMG_16276916869701015.jpg?resize=720%Wasiirka waxbarshada iyo afhayeenka xukuumadda oo soo dhaweyay ciyaartoyda gobolka ay ka soo jeedaan

Waxaa la isweydiin karaa haddii wasiirada iyo agaasimeyaasha Puntland ay kala taageeraan ciyaartoyda gobollada ay ka soo jeedaan, yaa tartanka qabanaya oo dhex ah? Maxaase diidaya in mas’uuliyiinta wasaaradda ciyaaraha ay hayb-qabyaaladeed u taageeraan ciyaatoyda gobollada ay ka soo jeedaan?

Dhaliisha Caasimadda

Maamulka caasimadda Puntland oo ah martigeliyaasha tartanka waxaa laga rabay in ay dhammaan ciyaartoyda gobollada Puntland si siman u soo dhaweeyaan, si loo muujiyo is-dhexgal bulshada iyo in dhalinyaradu ay yimaadeen caasimadooda.

Duqa Garowe Axmed Barre iyo maamulkiisa lama arag iyagoo soo dhaweynaya ciyaartoyda gobollada Puntland, waana tan keentay in la arko foolxumada ah wasiiro caasimadda ku soo dhaweynaya ciyaartoyda gobollada ay ka soo jeedaan.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo hayb-qabyaaladeed ula kala safatay ciyaartoyda gobollada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this