Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilka Jacob Zuma: bannaanbaxayaashu waa inay “si feejignaan iyo mas’uuliyad leh wax u bililiqaystaan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Durban (Wararka PP) — Intii dibedbaxyadii qalaalasaha watay ay ka socdeen Koonfur Afrika, Duduzane oo ah wiilka Jacob Zuma, Madaxweynihii hore, ayaa ugu baaqay bannaanbaxayaasha inay si xilkasnimo iyo feejignaan leh ay wax u bililiqaystaan.

Duduzane wuxuu dowladda ku eedeeyay qalalaasaha socday oo uu ku tilmaamay mid xidhistii aabbihii ay keentay. Maxkad ayaa Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xarig ah quursi maxkamadeed awgeed. Dadka u kuurgala siyaasadda ayaa muujiyay cabsida in saamaynta rabshadihii dhacay sii socon doonto.

WhatsApp-Image-2021-07-30-at-20.50.15.jpDuduzane: Bililiqo, bililiqo

330 qof ayaa ku geeriyooday bililiqaysi baahsan oo ka dhacay Koonfur Afrika toban maalmood ka hor. Baaqa wiilka Zuma wuxuu xoojiyay tuhunka laga qabay in siyaasiyiin ku dhowdhow Zuma ay maleegeen shirqool xasiloonnidarro ah si dowladda cadaadis loogu saaro sii daynta Jacob Zuma.

“Bililiqayste kama fekero mustaqbalka” ayuu qoray Simon Kuper oo ah qoraa Biritish ah oo ka soo jeeda Koonfur Afrika.

© Puntland Post, 2021

The post Wiilka Jacob Zuma: bannaanbaxayaashu waa inay “si feejignaan iyo mas’uuliyad leh wax u bililiqaystaan” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this