Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabkii ka kacay Warshada Isbuunyada Garowe oo weli lagu guuleysan demintiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20210731-123145.jpg?resize=

Weli waxaa socda gurmad lagu deminayo dabkii saaka ka kacay xarunta Warshada Isbuunyada Tabaarak qeybteeda Garowe, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo badan.

Duqa degmada Garowe Axmed Barre oo ka warbixiyay khasaaraha hantiyteed ee uu sababay dabku ayaa sheegay in ay gubteen qalabkii warshada, agabkii ay soo saaraysay iyo saddex gaari oo ka mid ha gaadiidka warshada, wuxuuna intaas ku daray in ay weli jirto khatarta dababka oo laga cabsi qabo in uu ku faafo meelo ay yaaliin qalab laga sameeyo kiimiko.

Duqa Garowe wuxuu sheegay in uu dabku ka dhashay matoorka warshada, xili la doonayay in la kiciyo uuna qabsaday qalab olola oo warshada loo isticmaalo.

Dabka ayaa weli ka holcaya qeyb ka mid ah xarunta warshada, waxaana socda dadaal xoogan oo lagu deminayo.

Maamulka degmada Garowe, shirkadaha adeegayada buslshada iyo dadweyne kala duwan ayaa ka qayb-qaadanaya deminta dabka.

PUNTLAND POST

The post Dabkii ka kacay Warshada Isbuunyada Garowe oo weli lagu guuleysan demintiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this