Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ahaa ku dilay duleedka Warsheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya HirShabelle ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil qorsheysan ka geysteen deegaanka Filla-Dheere oo hoostaga magaalada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkan lagu dilay labo qof oo ka mid ah dadka deegaanka deegaanka, isla-markaana si weyn looga yaqaanay halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa sidoo kale magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Ismaaciil Maxamuud iyo Cabdullahi Maxamed Axmed (Jeego), sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falka dilka ah, kadib dhacdadaasi.

Dilkan ka dhacay agagaarka Warsheekh ayaa lagu soo warramayaa inuu salka ku hayo dilal xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka HirShabelle iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi lagu dilay dadka rayidka ah.

Colaada salka ku heyso aanada Qabiil ayaa ku soo noq-noqtay deegaanada HirShabelle, waxaana saameynta ugu daran ay kasoo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

The post Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ahaa ku dilay duleedka Warsheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this