Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xoog-leh oo ka kacay warshad ku taalla Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka ka kacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana haatan socda gurmad lagu daminayo dabkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay dhismaha warshadda isbuunyada Tabaarak oo ku taalla bartamaha magaaladaasi, mana cadda waxa dhaliyey.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan ay gubaneyso warshada oo ay tiilay hanti fara badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah, waxayna ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dabkaasi ka kacay warshadda isbuunyada Tabaarak.

Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo la sheegay inuu sii fidayo goobo horleh oo ku yaalla caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.

The post Dab xoog-leh oo ka kacay warshad ku taalla Garoowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this