Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaymo ku yaalla Turkiga oo maalintii sadexaad gubanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kaymo ku yaal dalka Turkiga ayaa gubanaya, kumanaan Kooxo dab demis ah ayaa la tacaalaya dabka, maalintii saddexaad.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in afar ruux ku geeryoodeen, 183 kalana ku dhaawacmeen.

3 diyaaradood, Sagaal Drone, 38 Helikobtar, 680 baabuur dab damis iyo 4,000 oo shaqaale ayaa ka qayb qaadanaya deminta.

Kaymo gaaraya 70 ayaa dabku ka kacay, 14 ka mid ah ayaa wali gubanaya.

Kulayl jira ayaa la sheegay in dabku ka dhashay, dabeylo xooggan oo dhacayana ay sii hurinayaan, lakiin dowladda ayaa sheegaysa iney baarayso waxa dhaliyay dabka hal mar ka kacay kaymaha intaas tira le’eg.

PUNTLAND POST

The post Kaymo ku yaalla Turkiga oo maalintii sadexaad gubanaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this