Sign in to follow this  
Deeq A.

Badmaxiin Lagu Dilay Weerar Lala Beegsaday Markab Shidaal

Recommended Posts

Deeq A.   

2 shaqaale ayaa lagu dilay weerar lala beegsaday Markab nooca Shidaalka qaada oo marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Cummaan.

Hadal ka soo baxay Shirkadda leh Markabkaasi  ayaa lagu sheegay in Nin u dhashay UK, mid ka soo jeeda dalka Romania lagu dilay Weerarkaasi.

Markabka la weeraray oo lagu magacaabo  Merker Street  oo ay leedahay Shirkad Israeli ah ayaa ku sii jeeday Dekeddaa magaalladda Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel,Yair Lapidwaxa uu ku eedeeyey Dowladda Iran inay ka dmbeeyeen weerarkaasi,loona baahan yahay in laga fal-celiyo weerarkaasi.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in Daroon loo adeegsaday Weerarkaasi.

PUNTLAND POST

The post Badmaxiin Lagu Dilay Weerar Lala Beegsaday Markab Shidaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this