Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xooggan oo ka kacay xarun warshadeed oo ku taalla Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dab xooggan ayaa qabsaday xarunta warshadda Isbuunyada ee Tabaarak ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Dabkan oo goor dhowayd qabsaday xarunta Warshadda, waxa demintiisa ku hawllan gaadiidka dab-demiska dowladda hoose iyo shacabka oo iskaashanaya.

Inta badan xarunta warshadda ayaa gubatay, islamarkaana waxa ka dhashay khasaare hantiyeed, inkastoo aan laga soo werin wax khasaare nafeed ah.

Dadweyne kala duwan ayaa ka qayb-qaadanaya deminta dabkan ka kacay xarunta warshadda Isbuunyada ee Tabaarak ay ku leedahay Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Dab xooggan oo ka kacay xarun warshadeed oo ku taalla Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this