Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Deni oo riixaya in dad ka tirsan maamulkiisa ay ka mid noqdaan Baarlamanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Dani.jpg?resize=780%2C405&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dadaal xooggan ku bixinaya in dad ka tirsan maamulkiisa ay ku soo baxaan doorashada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa sida la xaqiijiyay riixaya, in dad uu ku kalsoonyahay oo ka tirsan wasiirada iyo mas’uuliyiinta dowladdiisa ay ku biiraan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland, oo dhowaan madaxweynuhu shaacin doono, ayaa la filaya in ay ka soo muuqdaan dad ka tirsan dowladda oo u sharraxan kuraasta beelahooda.

Sidoo kale, Kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka waxa u sharraxan xubno ka ag-dhow madaxweyne deni oo isu’gu jira mas’uuliyiin dowladeed iyo saaxiibadiis kale, islamarkaana taageero ka helaya dhanka madaxtooyada.

Siciid Deni ayaa doonaya in xubnaha labada Aqal ee laga soo doorto Puntland ay ku soo baxaan dad isaga taageersan, si markaas ay ugu codeeyaan murashaxa uu isagu (Deni) u wato madaxweynaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Xog: Deni oo riixaya in dad ka tirsan maamulkiisa ay ka mid noqdaan Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this