Sign in to follow this  
Deeq A.

ISRAEL oo wacad ku martay jawaab xanuun badan kadib weerar ‘ay fulisay’ IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa Jimcihii Iran ku eedeysay inay fulisay weerar lagu qaaday Markab shidaalka qaada oo ay maamusho shirkad Israeli ah, waxayna wacad ku martay jawaab xanuun badan.

Weerarka oo Khamiistii ka dhacay xeebaha Cuman ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo u kala dhashay Britain iyo Romania, wuxuuna sidoo kale waxyeello gaarsiiya markabka Mercer Street oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime.

War-saxaafadeed uu saaray, ayuu wasiirka arirmaha dibedda Israel Yair Lapid ku sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Britain u sheegay baahida loo qabo jawaab adag oo laga bixiyo weerarka. 

“Iran ma ahan kaliya dhibaato Israel, balse waxay dhoofisaa argagixisanimo, burburin iyo xasillooni darro dhammaanteen na waxyeeleysa. Dunida waa inaysan ka aamusin argagixisanimada Iran ee dhaawaceysa xoriyadda dhaqaaqa maraakiibta,” ayuu yiri Lapid.

Website-ka wararka Ynet ee Israel ayaa sidoo kale sarkaal aan la magacaabin kasoo xigtay inuu yiri “Israel way ku adkaan doontaa inay indhaha ka qabsato weerarkan.”

Ilo-wareedyo sirdoon oo Mareykan iyo Yurub ah ayaa u sheegay Reuters inay tuhmayaan in Iran ay ka dambeysay dhacdadan, ayada oo sarkaal difaac oo Mareykan ah uu intaas ku daray in weerarka u muuqdo in lagu fuliyey drone. 

Taleefishinka Carabiga ku hadla ee dowladda Iran ee Al Alam ayaa ilo-wareedyo aan la magacaabin kasoo xigtay in weerarka uu jawaab u ahaa weerar ay Israel ku qaaday garoonka diyaaradaha Dabaa ee Syria.

Dowladda Iran weli jawaab rasmi ah kama bixin eedeymaha ku saabsan inay mas’uul ka aheyd weerarka.

Xiisadda Gacanka ayaa sare u kacday wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu dib usoo celiyey cunaqabateynadii ka dhanka ahaa Iran 2018-kii, kadib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu Washington ka saaray heshiiska nukliyeerka ee Iran iyo quwadaha adduunka.

The post ISRAEL oo wacad ku martay jawaab xanuun badan kadib weerar ‘ay fulisay’ IRAN appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this