Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin loo diray markab dagaal oo ingiriisku leeyahay oo ku dhawaaday xuduudda Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Digniin loo diray markab dagaal oo ingiriisku leeyahay oo ku dhawaaday xuduudda Shiinaha

Markabka dagaalka ee HMS Queen Elizabeth
Markabka dagaalka ee HMS Queen Elizabeth

Shiinaha ayaa uga digay raxanta marakiibta dagaalka ee Ingiriiska ee Carrier Strike Group ee uu hor kacayo midka diyaaradaha qaada ee lagu magacaabo HMS Queen Elizabeth aanay ku dhaqaaqin “falal aan haboonayn” marka ay galaan badda lagu muransan yahay ee South China Sea.

‘Ciidanka Badda ee Xoraynta Shacabku heegan sare oo hawl gal ah ayuu ku jiraa’ ayuu ku waramay wargeyska Global Times ee loo arko inuu ku hadlo afka xisbiga hantiwadaaga ah ee talada haya.

Shiinuhu wuxuu si dhow ula socday dhinaca bari ee Carrier Strike Group oo dhawaan dhex gooshayay badda South China Sea oo ku sii jeeda Japan, waxaanu ku eedeeyey Ingiriiska in “uu weli ku nool yahay maalmihii gumaysiga”.

 

Ciidanka badda Ingiriiska ayaa dhoola tusyo milatari la wada ciidanka badda ee Singapore waxaanu sheegay wasiirka gaashaan dhigga ee Ingirisika Ben Wallace in aanay qarsoodi ahayn in ay doonayaan in ay sameeyaan dhoolatuska loo bixiyey “Freedom of Navigation” oo uu ku maro badda Koonfurta Shiinaha.

Si aan ahayn sidii 2016 ay maxkamada caalamiga ahi xukuntay ayaa Shiinuku ku doodayaa in uu leeyahay badaa badankeeda, waxaanu ka dhisay jasiirado macmala oo qaarkood ku dhaw yihiin biyaha wadamada deliska la ah qaarkood.

Ciidanka badda ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa labaduba dhawaan dood ka keenay sheegashada Shiinaha ee baddaas South China Sea oo ay si badheedha u dhex maraan.

Markaa su’aashu imika waaa: ma arki doonnaa in sidii hore uga dhacday Black Sea bishii Juun markii markabka Ingiriiska ee HMS Defender ay diyaarado Ruushku leeyahay u dul wareegeen isaga oo maraya jasiirad la moodka lagu muransan yahay ee Crimea?

“Shiinuhu ma filayo isku dhac toosa oo dhex maraya dal ay xulufo yihiin Marayknka oo kulaalaya South China Sea” ayuu yidhi Veerle Nouwens oo ah cilmi baadhe sare oo ka tirsan Royal United Services Institue oo ah machad cilmi baadhiseed oo ku yaal London. “laakiin wuxuu cadayn doonaa wuxuu doonayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hadii Ingiriisku fuliyo dhoola tuskaas “Freedom of Navigation” markaa Vouwens wuxuu rumaysan yahay in ay suurto gal tahay in la arki doono wixii dhacay markii HMS Albion badaa dhex maray 2018. Waxa aad ugu soo dhawaaday oo 200 mitir u soo jirsaday markab dagaal oo Shiinuhu leeyahay oo digniin ku siinayey inuu badda ka baxo halka diyaarado dagaal oo Shiinuhu leehayna ay joog hoose ku dul marayeen markabkaa Ingiriiska.

 

Shiinhu wuxuu mudho dheer samaynayay dhoola tus milatari, waxaanu ku tababaranayay weerarka xeebaha taas oo ah arin werwer gelisay khubarada wax falanqeeya oo u arkay in uu malaha u diyaar garoobayo duulaan uu ku galo Taiwan.

Ciidamada badda Shiinu waxay u adeegsan doonaan joogitaanka Carrieer Strike ee badda Shouth China Sea “fursad uu ku dhaqan geliyo waxa uu u tabobaranayo iyo sidoo kale mid uu ku derso maraakiibta dagaalka ee ugu dambeeyey ee Ingiriiska,” ayuu qoray Global Times.

Wuxu soo xigtay af-hayeenka safaaradda Shiinaha ee London oo yidhi: “haliska ka iman karta “Freedom of Navigation” maaha mid ka soo fool leh oo keliya cidda Crarier Strike Group u dirtay South China Sea laakiin waa mid sidoo kale ka imaanaysa dunida kala baddhkeed ku kala bixinaysa muruqeeda iyo quwadeeda milatari ee ciidanka baddan, waxaanay arintaasi gobolka ka abuuri doontaa xiisad”.

Jasiiradaha Shiinuhu ka dhisay South China Sea qaarkood
Jasiiradaha Shiinuhu ka dhisay South China Sea qaarkood

Laakiin marka uu Garrier Strike Group soo gaadhay gobolka waxay arintaasi ka cadhaysiin doontaa Beijin, sida uu qabo Sidharth Jaushal oo ka tirsan machadka Rusi, oo tilmaamay in marka ciidamada baddu is jiidhaan in “Shiinuhu talaabada uu qaadi doonaa tahay mid haatan ba la darsayo oo ah in ay ka hoosayso halis keeni karta in xabbadu dhuunta ka baxdo”

In halkaa loo diro HMS Queen Elizabeth iyo maraakiibta kale ee ilaalinaysa waxa loo arkaa in ay qayb ka tahay rabitaanka xukuumada ingiriisku ku doonasyo in ay door muuqda ku yeelato nabadgelyada gobolka, sida ku cad dib u qaabayn dhawaan xukuumadda lagu sameeyey.

Faransiiska ayaa isdoo kale isaga iyo dalal kale oo ka tirsan Yurub waxay dareenkooda u jeedinayaan dhanka South China Sea maadaama cududda milatari iyo ta dhaqaale ee Shiinaha la moodo in aan la joojin karin.

.
.

Shiinuhu wuxuu dhawaa bilaabay kordhinta gantaaladiisa nukliyeerka qaada iyo inuu ka dhiso gobolka fog ee Xinjiang goobo hubka lagu kaydiyo.

Wxuu sidoo kale horumarinayey Hypersonic Glide Vehicles oo ah nooc ka mid ah gantaalaha xawaaraha dheereeya ee gaadhi kara sideed laab xawaaraha jabaqda oo loo bixyey “xabaareyaasha wax dila”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this