Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan looga muujiyey hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Soomaaliya, waxaana madaxda golaha wadatashiga qaranka ee ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada loogu baqay inay sii wadaan kulamadooda inta laga soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashooyinka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dolwad goboleedyada ugu baaqday in si aan dib u dhac lahayn ay u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo, balse qoraalkan waxaa lagu xusay in doorashadaasi ay 29-kii bishan oo shalay aheyd ay ka bilaabatay Jubbaland oo afar kursi oo Aqalka Sare ah Kismaayo lagu doortay.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka

Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqayaan DXDF inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo.

Tusaalooyinka horumarka ah ee ugu dambeeyay waxaa ka mid ah: In la isla qaatay kal-tirsi doorasho oo la cusbooneysiiyay. Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Guddigii la igmaday ee wasiirada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ku yeeshay magaalada Garbaharrey. Waxaa la qabtay shir hordhac ah ee Guddiga Amniga Doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Danjireyaal Niyadsami (Goodwill Ambassadors) si kor loogu ololeeyo/hormariyo qoondada haweenka ee boqolkiiba30. Doorashada Aqalka Sare ayaa ka billaabatay Jubaland. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qabtay shirar joogto ah iyo wadahadalo. Arrimahaaas dhamaantood waa guulo amaan mudan.

Waxaan ku baaqaynaa in shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada ay si dhakhso ah horey ugu socoto isla sidii wadar ogolka ahayd. Arrimaha mudnaanta leh ee degdegga ah waxaa ka mid ah: in diyaargarow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo amniga doorashada, in la kala caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada.

Wadajir waxaa warsaxaafadeedkaan u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

The post Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this