Sign in to follow this  
Deeq A.

China Oo Xidhiidh La Sameysatay Ururka Taliban

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Wafti heer sare ah oo ka socda Talibanka ayaa Arbacadii gaadhay dalka Shiinaha halkaasi oo uu wadahadal uga bilaamay.

Waftigan oo uu hormuud u yahay hoggaamiyaha dhanka siyaasada ee Talibanka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee China Wang Yi iyo xubno kamid ah dowlada China.

Shiinaha ayaa xidhiidhkan tooska ah la sameystay Talibanka, xilli lagu wado in Maraykanka uu gebi ahaan ciidammadiisa kala baxo dalka Afghanistan.

Talibanka ayaa bilihii lasoo dhaafay dardar geliyey hawlgaladooda, iyagoo la wareegay gacan ku heynta inta badan wadankaasi Afghanistan.

China ayaa dhinaca kale dooneysa inay illaalsato maalgashiga mashaariicda ay ka fulisay Pakistan oo ay jaar yihiin dalka Afghanistan, kooxaha Talibanka gacan saarka laleh ayaa hore weeraro ulla beegsaday mashaariicda China ka wado gobalkaasi.

Masharuuca  China-Pakistan Economic Corridor (CPEC) ayaa ah mid shiinaha lacag badan geliyey iyagoona doonaya in masharuucaasi ay gaarsiiyaan dalka Afghanistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this