Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Koox Ciyaartoy ah oo qarax lagu laayay

Recommended Posts

Deeq A.   
20210730_171409.jpg?resize=656%2C434&ssl

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhintay 9 kalana waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Golol xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo

4 ruux ee dhamashadooda la xaqiijiyay 3 kamid ah waa ciyaartoy ka tirsan kooxda Rugta Gancsiga Jubaland (JCCI) halka ruuxa kalana yahay darawalkii gaari u waday.

Kooxda ayaa ku sii jeeday garoonka ciyaaraha Kismaayo ee Waamo oo muddooyinkii dambe dhisme ku socday, galabtana sida la sheegay uu xariga ka jari lahaa madaxweynaha Jubaland.

Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullhaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciyaartoyda, waxayna weerarka ku eedeeyeen Al-shabaab, iyagoo ku tilmaamay xasuuq.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Koox Ciyaartoy ah oo qarax lagu laayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this