Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: FAHAD YAASIIN oo xil cusub u magacaabay Kulane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Aadan Kulane oo dhowaan uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Fahad Yaasiin uu Cabdullaahi Aadan Kulane oo hore u ahaa madaxii shaqaalaha NISA u magacaabay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee hay’addaasi.

Ra’iisul Wasaare ayaa qoraal xafiiskiisa kasoo baxay 23-kii July oo uu xilka uga qaaday Kulane ku yiri “”Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.”

Magacaabista xilka cusub ee Kulane, ayaa weli kusii haynaysa hay’adda NISA, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow Fahad ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin wax Kulane u diidaya inuu xil kale qabto.

“Kulane qalad uu galay ayaa xil looga qaaday, mana jirto meel ay ku qoran tahay in xil kale uusan qaban. Imisa wasiir ayaa horey xilal looga qaaday, oo haddana mar kale wasiiro ama ku xigeeno loo magacaabay?,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Fahad ayaa xilka agaasimaha madaxa shaqaalaha NISA ee laga qaaday Kulane u magacaabay Cabaas Yacquub.

The post Xog: FAHAD YAASIIN oo xil cusub u magacaabay Kulane appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this