Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka socda Gobolka Amxaarada dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Ciidamada federaalka iyo sidoo kale ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ku lug lahaa la dagaalanka fallaagada Tigreega ee TPLF, sida uu warbaahinta sheegay sarkaal ka soo jeeda degaanka Amxaarada.

Wararka ku saabsan dagaallada sii xoogaysanaya, ayaa imaanaya, iyadoo dowladdu ay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii hore, hase yeeshee aan dhag jalaq loo siinin.Dhammaan dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sii hurinayo colaadda.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii xoogaga TPLF ay dib uqabsadeen inta badan deegaanno ka tirsan gobalka Tigray kadib duullaankii ciidanka dowladdu ku qaadeen bishii Juun.

PUNTLAND POST

The post Dagaal ka socda Gobolka Amxaarada dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this