Sign in to follow this  
Deeq A.

Barakac ka socda gobollada Amhara iyo Tigray ee Ethiopia iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ilaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda Sudan u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Tani ayaa ah mowjaddii ugu danbeysay ee dadka isaga cararaya colaadda ka socota gobollada Tigray iyo Amhara ee dalka Itoobiya, kuwaas oo kasii daray toddobaadyadii tagay.

Horraantii toddobaadkan ayaa waxaa xadka ka gudbay ilaa 3 kun oo qaxooti Ethiopian ah, taasi oo tirada qaxootiga reer Ethiopia ee ku sugan Sudan ka dhigeysa ku dhowaan 60,000 oo qof.

Sarkaalkan u hadlay dowladda Sudan ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo da’ay xuduudka ay sababeen in wabiga mara xadka kala qeybiya labada dal uu fataho halkaasina ay saddex qof oo Ethiopian oo isku dayayay in ay u gudbaan dhanka Sudan ku qarriqmeen.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo 400,000 oo qofna uu ku riixay gaajo.

AFP + VOA

The post Barakac ka socda gobollada Amhara iyo Tigray ee Ethiopia iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this