Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo baxay shirweynihii horumarinta waxbarashada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16275739099022976.jpg?resize=720%

Shirweynihii horumarinta waxbarashada Puntland ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Garowe ayaa xog-isweydaarsi, doodo, lafagur iyo falanqeyn dheer kadib laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr iyo toban qodob oo kala ah.

1. Maalgelinta Waxbarashada.

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la asaaso Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada Puntland (Puntland Education Fund), kaas oo si guud qayb uga noqonaya maalgelinta waxbarashada, gaar ahaan taageeraya imtixaamaadka, hubinta tayeynta, kabidda macallimiinta ka howlgala waxbarashada dhulka fog, xeebaha iyo reer guuraaga iyo maalgelinta deeqaha ardayda ugu dhibcaha sareysa.

Sidoo kale shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la kordhiyo lana joogteeyo miisaaniyadda dowladda ee wasaaradda waxbarashada.

Waxaa la soo jeediyay in cilmi baaris lagu sameeyo qaabka ugu habboon ee lacagta waalidku ku bixiyo waxbarashada ubadka looga faa’iidaysan karo gaar ahaan xaga sare u qaadidda tayada waxbarashada isla markaana ay maalgelinta waalidku uga muuqan lahayd miisaaniyadda guud ee waxbarashada Puntland.

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ee caawiya waxbarashada Puntland ay si toos ah u siiyaan kaalmada caalamiga ah dowladda Puntland.

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in maalgelinta waxbarasho ee beesha caalamku ugu deeqdo waxbarashada Puntland lagu saleeyo miro-dhalka maalgelinta (Value of money), sidoo kale dib loo eego mashaariicda qaarkood sida barnaamijka kabka macalimiinta ee Bangiga Adduunka.

2. Qaab Dhismeedka Nidaamka Waxbarashada Puntland.

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in waaxyaha wasaaradda lagu darayo laba waaxood oo cusub oo kala ah: (1) Waaxda Dugsiyada Sare ee Farsamada iyo Xirfadaha iyo (2) iyo Waaxda Adeegga Caafimaadka iyo Quudinta Dugsiyada, labadaas waaxoodna loo diyaariyo manaajijtooda, habraacyada iyo kaadirka ka howlgali lahaa.

3. Magaca Wasaaradda

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ayadoo ahmiyad gaar ah la siinayo barbaarinta iyo xanaanada ubadka in magaca Wasaaradda loo badelo “Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta”.

4. Tacliinta Sare

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la dhiso Komishinka Tacliinta Sare ee Puntland. Wuxuu Komishinku asagoo la tashanaya Jaamacadaha iyo macaahidda sare xal u doonayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor yaala tacliinta sare ee Puntland iyo sidoo kale sidii waxbarashada Sare ee dalka loogu jiheyn lahaa xirfad, wax soo saar iyo cilmi baaris.

Shirweynaha ayaa soo jeediyay in dhammaan jaamacaduhu bixiyaan hal (1) sanno oo ah u diyaargarowga ardayga waxbarashada sare.

5. Waxbarashada Dugsiyada Sare

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ladardar geliyo dugsiyada sare ee farsamada iyo machadyada farsamada gacanta iyo xirfadaha, si waxbarashadu u noqoto mid ka jawaabaysa baahiyaha bulshada ee dhaqan, dhaqaale iyo wax soo saar.

Sidoo kale shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ay iska kaashadaan dowladda Puntland, maal-gashadayaasha gaar ah iyo deeq biyeyaasha dhiirigelinta iyo hirgelinta waxbarashada farsamada iyo xirfadaha. Waxaana shirweynaha lagu ho’aamiyay in gobol kasta laga dhiso hal dugsi sare oo jiif ah (Boarding).

6. Tayeynta Tababarkaiyo Horumarinta Macalimiinta

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in diyaarinta macallimiintu marto saddex heer oo kala ah tababar, shahaado siin iyo ruqsad macallimnimo siin. Dowladda ayaa loo soo jeediyay in ay muhiimadda 1aad
siiso meelaynta macallimiinta.

Sidoo kale shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in xarumaha tababarka macalimiinta gaa-gaaban lagu baahiyo gobolada Puntland iyo in la kordhiyo tirada gabdhaha macalimiinta ee dugsiyada hoose /dhexe, lana siiyo qoondo gaar ah.

7. Warbarashada Gaarka loo Leeyahay

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ayadoo laga jawaabayo baahiyaha isa soo taraya ee loo qabo adeegyada asaasiga la dhiirigeliyo hirgelinta waxbarashada gaarka loo leeyahay, gaar ahaan dugsiyada bixiya Sayniska, Teknoloojiyadda, injineerinka iyo Xisaabta (STEM) iyo luuqadaha.

Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in dowladda Puntland, maal-gashadayaasha gaar ah iyo deeq biyeyaasha caalamigu iska kaashadaan dhiirigelinta iyo hirgelinta
waxbarashada gaarka loo leeyahay.

8. Isticmaalka Teknoloojiyadda Waxbarashada iyo Hal Abuurka.

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in ayadoo lala jaanqaadayo isbeddelka xowliga ku socda ee Adduunka casriga, lagana jawaabayo baahiyaha la xariira buugta, maktabadda isla markaana lagu xisaabtamayo caabuqa COVID-19 in sare loo qaado.

– Waxbarashada elektarooniga (e-learning) dhaammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada iyo shahaado bixinta.

– Qalabaynta dugsiyada elektarooniga.

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in lagu dhiirigeliyo shirkadaha waaweyn gaar ahaan kuwa isgaarsiinta inay door lixaad leh ka qaataan waxbarashada elektarooniga iyo hal abuurka.

9. Doorka Warbaahinta ee Waxbarashada

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay si kor loogu qaado wacyiga bulshada iyo duruufaha la xariira in warbaahinta Puntland, gaar ahaan kuwo dowliga ah ay bulshada ku wacyi geliyaan ahmiyada waxbarashada, isla markaana baahiyaan barnaamijyo waxbarasho, doodo iyo falanqeyn, si kor loogu qaado wacyiga guud ee bulshada.

10. Waxbarashada Dugsiyada Quraanka

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xaaladaha ka jira dugsiyada Quraanka, gaar ahaan kuwa bixiya waxbarashada isku dhafka ah, loona qabto xeeldheerayaal matalaya wasaaradaha caddaaladda, waxbarashada, caafimaadka iyo bulshada rayidka.

Sidoo kale shirweynuhu wuxuu go’aamiyay in la dhaqan geliyo shuruucda dowladda ee ku aadan horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dugsiyada Quraanka Kariimka.

11. Afka, Dhaqanka iyo Wadaniyadda

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay ayadoo laga duulayo burburka ku socda afka hooyo iyo dhaqanka in sare loo qaado barashada afka Soomaaliga iyo horumarintiisa, sidoo kale la xoojiyo wadaniyadda iyo taariikhda Soomaaliya/Puntland.

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in maadada Wadaniyadda (Civic) iyo Taariikhda lagu dhigo heerarka kala duwan ee waxbarashada. Sidoo kale waxaa la soo jeediyay in cayaaraha iyo jirdhiska ay qeyb muhiima ka noqdaan waxbarshada dugsiyada

12. Waxbarashada Gabdhaha

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la dhiirigeliyo waxbarashada gabdhaha, ayadoo la siinayo deeqo waxbarasho, wacyi gelin isla markaana loo abuurayo bay’ad ku haboon waxbarashada gabdhaha ee dugsiyada.

13. Waxbarashada ubadka reer guuraaga, barakacyaasha iyo kuwa ku nool dhulka fog ee xeebaha

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la siiyo mudnaanta kowaad, isla markaana loo sameeyo qareemid dhinaca tababarka, haynta macalimiinta, agabka iyo quudinta ah, sidoo kale loo diyaariyo siyaasadaha, istiraatiijiyadaha iyo manhajka ee ku aadan waxbarashada.

14. Kordhinta saacadaha waxbarshada

Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la kordhiyo saacadaha waxbarashada dugsiyada.



PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo baxay shirweynihii horumarinta waxbarashada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this