Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo magacii laga baddelay

Recommended Posts

Deeq A.   
20210729_191431.jpg?resize=720%2C591&ssl

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa magacii laga baddelay waxaana loo bixiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Caruurta.

Magac baddelida wasaaraddda ayaa ka mid ahaa qodobo ka soo baxay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Garowe.

Shirka waxaa maalmihii uu socday ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, goleyaasha dowladda, mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, lataliyeyaal iyo khuburo waxbarasho, qurbojoogta, ganacsatada, waalidiin, ardey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Den oo soo xiray shirka horumarinta waxbarashada Puntland ayaa bogaadiyay shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyaha waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Puntland ka go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso waxbarashada oo ah adeegyada dowliga.

FB_IMG_16275734515134573.jpg?resize=720% FB_IMG_16275734645311296.jpg?resize=720% FB_IMG_16275734708460863.jpg?resize=720% FB_IMG_16275734593083779.jpg?resize=720% FB_IMG_16275734782371551.jpg?resize=720% FB_IMG_16275734871528735.jpg?resize=720% FB_IMG_16275734925259448.jpg?resize=720% FB_IMG_16275734978386592.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735201955703.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735259519628.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735436369247.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735333815986.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735492926200.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735602450158.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735665118878.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735740293621.jpg?resize=720% FB_IMG_16275735858519151.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo magacii laga baddelay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this