Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo la kulmay Boris Johnson

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16275786299204370.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay Boris Johnson ka wada hadleen amniga Soomaaliya iyo gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

FB_IMG_16275786142009338.jpg?resize=720%

“Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray.

Wuxuuna sii raaciyay “Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.”

PUNTLAND POST

The post Rooble oo la kulmay Boris Johnson appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this