Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu R/Wasaare Rooble kala hadlay xoghayaha arrimaha dibedda Britain?

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada London ee caasimada Britain ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Xoghayaha arimaha dibadda ee dalkaas, Dominic Raab.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay xoghayaha Britain la dagaalanka argagixisada iyo doorashooyinka dalka oo ay midda Aqalka Sare si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Intii uu socday kulanka waxa uu Ra’iisul wasaraha uga mahad-celiyay dowladda UK taageeradeeda kala joogsi laheyn ee ay siiso dalkeena Soomaaliya, midaasi oo leh dhinacyo kala duwan.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo gooni-gooni ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada London ee dalka Britain, kuwaasi oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dowladda UK iyo Mas’uuliyiin kale.

Rooble01.jpg Rooble02.jpg Rooble03.jpg

The post Sawirro: Muxuu R/Wasaare Rooble kala hadlay xoghayaha arrimaha dibedda Britain? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this