Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aamo ka soo saartay colaada Saax-maygaag iyo Sanjabshe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16275648370190898.jpg?resize=720%

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada ayaa guddi heer Wasiir ah u saaray xallinta colaada deegaannada Saax-maygaag iyo Sanjabshe.

Guddiga heer Wasiir ee Madaxweyne Ku-xigeenku magacaabay ayaa isla maanta go’aamo soo saaray, kuwaas oo kala ah.

1. In beelaha haalkaas ku dagaalmaay la kala geeyo Boocame iyo Birta-dheer.

2. Iyo in ciidamada Puntland la wareegaan goobihii lagu dagaalamay.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Axmed Kulan ayaa ka warbixiyay go’aamada ka soo baxay dowladda ee la xiriira colaada beelaha walaalaha ah ku dhexmartay deegaannada Saax-maygaag iyo Sanjabshe.

Hoos daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Puntland oo go’aamo ka soo saartay colaada Saax-maygaag iyo Sanjabshe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this