Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo wakiilada Beesha Caalamka oo shir ka yeeshay arrimaha Ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo kaaliyaha Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliy Lisa Filipetto ayaa shir gudoomiyay kulan ku qabsoomay Aaladda fogaan aragga ah (ZOOM , kaasi oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii wadi lahaa kaalmada deeq bixiyaasha ay ku taageerayaan Ciidamada Soomaaliya

Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safaaradaha Dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya , Waxaana si qota dheer loo gorfeeyay sida lagama maarmaanka ay u tagay Joogteynta taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulanka ku soo bandhigtay Howlaha hortabinta leh ee u qabsoomay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo wakiilada Beesha Caalamka oo shir ka yeeshay arrimaha Ciidamada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this