Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo maanta qabanaysa doorashada Aqalka sare ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa noqday maamulkii u horreeyay oo qabanaya doorashada xubnaha Aqalka saree e Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Kismaayo ku dooranaya xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas Jubaland.

Qaban-qaabadii u dambaysay ee doorashada Aqalka sare, ayaa saaka ka socota Kismaayo, xilli amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maalin ka hor magacaabay xubnaha u tarmaya doorashada Aqalka sare, iyadoo maaamullada kale ee dalku aysan dhankooda weli magacaabin xubnaha Aqalka sare.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo maanta qabanaysa doorashada Aqalka sare ee dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this