Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhtar Caan ka ah Somalia oo Kelyihiisa Mid ahaan Bixinaya!

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhakhtar Caan ka ah Somalia oo Kelyihiisa Mid ahaan Bixinaya!

.

DR JALAALUDDIIN

Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, oo loo yaqaanno Dr Jalaaluddiin ayaa ku sugan Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga, si uu kellidiisa ugu bixiyo walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed.

Cabdiraxmaan oo qudhiisa bartay caafimaadka, gaar ahaan cilmiga sheybaarka, ayaa muddo la tacaalayay xanuun kaga dhacay kelyaha oo isbuuciiba saddex jeer laga dhaqo, sida uu BBC-da u sheegay Dr Jalaaluddiin.

Arrintan ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal heyn ay dadku su’aalo badan iska weydiinayeen go’aanka uu qaatay dhakhtarka walkaalkiis u bixinaya kellida.

Dr Jalaaluddiin oo ah agaasimaha guud ee isbitaalka Martiini, ahna maamulaha xaaladaha Covid-19 ee Soomaaliya ayaa sharraxayay sababta ku kalliftay inuu kelli ugu deeqo walaalkiis.

“Waxaan baadhitaan dheer ku sameeyay in bani’aadanka uu hal kelli ku noolaan karo, anigana waxaan ogaaday in kelyaheyga ay caafimaad qabaan, sidaas awgeed ayaana ku go’aansaday inaan keli siiyo walaalkey anigoo aan dhag jalaq u siineynin talooyinka ay dadka kale isiinayeen oo ahaa inaan si kale kelida ugu helo walaalkeey,” ayuu yidhi Dr Jalaaluddiin.

Baaqashada Qalliinka

Qalliinka uu Dr Jalaaluddiin kelida ugu bixinayay walaalkiis oo lagu waday inuu dhaco maanta oo ku began 28-ka bisha July ayaa baaqday kaddib markii baaritaan lagu sameeyay looga helay cudurka Covid-19.

Dr Jalaaluddiin iyo walaaliis
Dr Jalaaluddiin iyo walaaliis

Laakiin isagu wuxuu sheegay in uu mar kale isbaari doono.

“Shalay ayaa labadeennaba nala baaray, Cabdiraxmaan waa laga waayay fayraska laakiin aniga ayaa la iga helay. Igama muuqdaan wax calaamado ah, labadii tallaal ee Covid-19-kana waan qaatay, marka waxaan rabaa in baaritaan labaad la igu sameeyo si qalliinka loo fuliyo,” ayuu yiri.

Baaqashada qalliinka ayaa culeys ku noqon karta bukaanka kelida loo bixinayo, sida uu sheegay Dr Jalaaluddiin.

“Waxaa habboon in mar walba sida ugu dhakhsiyaha badan walaalkey uu kelida u helo maadaama uu yahay qof isbuuciiba saddex jeer mashiinno lagu xiro, dhibaato weynna dareemaya.”

Baraha Bulshada waxay dad badan ugu duceynayaan Dhaktarka walaalkiis ku badbaadinaya kelidiisa.

Siyaasiyiin iyo dad kale oo bulshada dhexdeeda magac ku leh ayaa ka mid ahaa dadka dhiirrigelinta iyo ducada ku taageeray Dr Jalaaluddiin iyo walaalkiis Cabdiraxmaan.Waxaa ka mid agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar.

Lama oga xilliga uu dhici doono qalliinka, waxaana Dr Jalaaluddiin uu BBC-da u sheegay in mar walba ay ku xirnaan doonto sida uu nadiif uga noqdo xanuunka laga helay ee Covid-19.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this