Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Uu Kulan Ku Saabsan Doorashada Shir Guddoonka La Yeeshay Ganacsatada, Madax-dhaqameedka iyo Haldoorka Beeshiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa la sheegay inuu dhawaan kullan la yeeshay xubno iskugu jira Madax-dhaqameed siyaasiyiin iyo Ganacsato ka soo jeeda Beeshiisa,kaas oo saacado baddan qaatay,isla markaana jil-baha la is daray.

Kullanka ayaa xoggaha uu Wargeyska Waaberi helay ay sheegeen inuu ahaa mid ay Madaxweyne Biixi ay ka dalbadeen Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada iyo haloorka Beeshiisu inay la yeesheen,wallow la sheegay inuu dhawr jeer ka gaws adaygay,balse haddana uu aakhrikii wuu la kulmay.

Waxa kale oo ay xoggaha aanu helnay ay sheegeen inay Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada Beeshiisu ay si addag uga wadda hadleen xallada hadda dalku marayo ,doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo weliba xaallada hadda taagan ee doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Xoggaha ayaa xusay in Madaxweyne Biixi iyo nin doorka la kulmay ee beeshiisu ay si qoto dheer ugala hadleen arrinta doorashada shir guddoonka iyo qorshihiisa siyaasadeed ee uga meel yaal,waxaanay u sheegeen in haddii aanu arrintaas dan ka lahayn shir guddoonka oo aanay ka go’nay inuu nafta iyo maalka dul dhigo sidii uu kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ugu fadhiisin lahaa musharraxa uu duduucayo ee Yaasiin Maxamuud Faratoon inuu u cadeeyo mawqifkiisa.

Waxa kale oo la sheegay inay u sheegeen Madaxweynaha oo ay u ballan-qadeen inay ka go’antahay haddii uu lacag ku soo jilaaban waayey Xildhibaannada inay iyagu bixiyaan,balse waxa la sheegay inuu aakhirkii uu Madaxweyne Biixi u sheegay inay iska haystaan Lacagtooda,isla markaana uu diyaar u yahay inuu qasnada furro oo uu ku dedaalayo sidii uu Xildhibaanka uu wataa uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu awooda saari doono,waxaana la sheegay inuu kullankaas ku soo dhammaaday is afgarad, ma jiri war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac marka laga yimaaddo xoggaas


Source: Waabari

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this