Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Oo Ka Baxday Heshiikii Ay La Gashay Imaaraadka Iyo Xidhiidhkooda Oo Halis Ku Jira

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Wasiirka Ilaalinta Deegaanka Israa’iil Tamar Zandberg ayaa joojiyay fulinta heshiis weyn oo dhoofinta shidaalka ah, oo u dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo halis gelin karta heshiiska curdunka ah ee labada dal.

Heshiiskan oo yimid markii labada dal ay yeesheen xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah sannadkii tegay ayaa dhigayey in shidaalka Imaaraadka Carabta Markab lagu keeno dekedda Eilat ee Israa’iil, kadibna dhuun shidaal halkaas ay ka qaado oo ay geyso Yurub,  ayada oo la marinayo dekedda Ashkelon.

Hase yeeshee, heshiiska ayaa waxaa si aad ah uga horyimid kooxaha u dhaqaaqa ilaalinta deegaanka Israa’iil, oo ku dooday in dhuuntan shidaalka ay waxyeello xooggan gaadhsiin karto xeebaha Eilat.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ka digay in ka bixitaanka heshiiska uu keeni karo inuu go’o xidhiidhka labada dal.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta oo la hadlay wargeyska Israa’iil Hayom ayaa sheegay in markii heshiiska la saxeexay sannadkii tegay la sameeyey dhammaan tijaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dhanka deegaanka.

“Ka bixitaanka heshiiska wuxuu hoggaamin karaa in xidhiidhadii diblomaasi iyo kuwii ganacsi ee Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ay meesha ka baxaan,” ayey ka digeen saraakiisha Imaaraadka.

Saraakiisha Israa’iil ayaa hadda isku dayaya inay Imaaraadka Carabta u sharxaan in dowladda cusub ee la wareegtay Israa’iil ee beddeshay xukuumaddii Netanyahu ay u badan tahay waqti dheeri ah, oo ay xaaladda ku darasto.

“Waa arrin halis ah sababtoo ah heshiiska waxaa ka baxay hal dhinac, oo ah Israel. Waxaan filaa in Imaaraadka ay fahasan yihiin in tani ay tahay dowlad cusub oo siyaasad gaar ah leh,” waxaa sidaas yidhi Yoram Meital oo ah taariikhyahan Israa’iil ah.

Heshiiska ayaa haddii la fuliyo waxaa dakhli ballaayin dollar ah uu sannadkii kasoo geli ahaa labada dal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this