Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta+Falaagada Tigray oo shaacisey war la yaable

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ku saabsan dagaalka Soomaalida iyo Canfarta

amhara.jpg

Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay colaadda maalmihii u dambeeyay ka socotay deegaanka Garba Ciise, sida ay sheegayaan wararka laga helayo aaggaas.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah.

Shaley ayay aheyd markii halkaas uu dib uga qarxay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.

Arrintan ayaa imaanaysaa kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.

TPLF: Ma jirto cid na hor istaagi karo xitaa roobka

 reda.jpg

Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka.

“Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

#AbiyAhmed's lieutenant #AgegnehuTeshager is not going to commit suicide because of Raya and Welqait and even #Gondar falling in our hands. He is calling on "the nations, nationalities & peoples" of Ethiopia to rally against, not our forces, but against the people of Tigray.

— Getachew K Reda (@reda_getachew) July 27, 2021

Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray.

Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday.

Halkee ayuu ku wajahan yahay dagaalka ka socda Tigray?

debre.jpg

Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray?

Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas.

Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF.

Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo.

“Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal.

Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah.

Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF.

“Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta” ayuu yiri Yibeltal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this