Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan u dhow Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal beleed khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay deegaanka SAAX-MAYGAAG, oo u dhexeeya gobolada Sool iyo Nugaal.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kale, sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal kala duwan oo la hadlay Puntland Post.

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan ku salaysan xiisad ka dhalatay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe ka aloosnayd deegaankaas.

Deegaanka lagu dagaalamay ayaa qiyaastii 50 km dhanka Galbeed uga beegan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana ku dagaalamay maleeshiyo beleed ka soo kala jeeda Nugaal iyo Sool.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed ka dhacay deegaan u dhow Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this