Sign in to follow this  
Deeq A.

TPLF: “Ciidamadeenu Waxa Ay Ku Sii Siqayaan Jiha Walba Mana Jirto Cid Hor Istaageyso, Xitta Roobka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda TPLF ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda Itoobiya, xilli ay shaacisay in gobalada cusub kala wareegi doonto ciidamada.

TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jriin awood la babac dhigi karta oo ka celineysa qorshaheeda ay ku dooneyso in ay ku duusho faarisimaha ciidamada Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda Getachew K Reda ayaa sheegay inaysan jirn cid ka hor istaageyso horumarka ay sameynayaan .

” Ma jirto cid naga hor istaageyso horumarka aan ka wadno gobalka, cidna nama weecin karto” ayuu yiri Getachew K Reda.

Reda ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in ciidamadooda ay jiha walba ka dagaalamayaan xitta roobkana aanu celin karin,

“Ciidamadeenu waxa ay ku sii siqayaan jiha walba mana jirto cid hor istaageyso xitta roobka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka Reda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this