Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dad Lagu Dilay Garbo-Ciise Oo Ka Socda Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saaka uu ka socdo banaanbax balaaran oo ay soo abaabuleen dadka shacabka ah.

Shacabka isugu soo baxay waddooyinka ayaa ka cabanaya dil kooxa hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Canfarta ay deegaanka Garbo-ciise ugu geysteen dad Soomaali ah.

Inkabadan 100 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay deegnaka Garbo-ciise, muddo isbuuc gudaheed ah xilli dagaalka labada qowmiyadood uu sii xoogeystay.

Dadka banaan baxaya dhigaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyaga oo watto boorar ay ku dalbanayaan in cadaaladda la hor keeno kooxa gumaadka wada.

Goobjoog News

224198900_364652988355952_23307182217398 224198900_364652988355952_23307182217398 225392146_364652951689289_33167486297581 225392146_364652951689289_33167486297581

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this