Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Waa Lawada Lee Yahay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed Kubad Cagyaraha oo magaalada Muqdisho kaga qeybgalay soo dhaweynta xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka ee ka soo laabtay Wadanka Nigeria ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin horomarka iyo caqbadaha haysta Xiriirka Kubada Cagyaraha Soomaaliya.

p-1024x768.jpg
“Heesta Caalamka waxaa loo garaacaa Madaxweyanaha, safriika iyo ciyaaryahanada ,runtii xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka, waxay kor u qaadeen sharafteena waxaan lee nahay waad mahadsantihiin kun jeer” ayuu munaasabada ka sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle.

Sequence-381.00_00_29_20.Still001-1024x7
Dhinaca kale Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle wuxuu ka hadlay arimo badan oo ku aadan khilaafka la sheegay in uu ka dhaxeeyo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Xiriirka Minifootboolka.`

MVI_9684.MOV.23_07_48_06.Still001-1024x5
“Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Xiriirka Kubad Cagyaraha waa labo xiriir oo mataano ah ma jiraan wax khilaaf oo ka dhaxeeya labad dhinac ,balse SOMFA waxay diyaar u tahay in ay xaliso wixii dhibaatooyinka jira” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

Sequence-379.00_01_10_20.Still001-1024x7
Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle wuxuu u mahadceliyay cid kasta oo garab ku siiyay horomarinta iyo kor u qaadida Minifootboolka,isagoo bahada isboortiga ka codsaday in ay taaageeraan howlaha socd.

MVI_0070.MOV.02_52_20_21.Still002-1024x5
“Albaabka Minifootboolka wuxuu u furanyahay cid kasta oo doonaysa horomarin Xiriirka Mininifootboolka Soomaaliya waa xiriir ay wada lee yihiin bulshada Soomaaliyeed” ayuu sheegay Guddoomiye Xaaji Aadan.

MVI_9692.MOV.23_10_21_22.Still001-1024x5

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Xiriirk Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya kaalinta ay ka qaato waxqabadka iyo shaqooyinka socda ee Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya.

Sequence-454.00_02_17_01.Still002-1024x7
“Aad iyo aad ay u mahadsanyihiin madaxda Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya kaalinta ay ka qaataan daadajinta iyo garabsiinta madaxda SOMFA , waxaan lee nahay 100% waad mahadsantihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gabagbayay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Adan Cabdulle oo ka hadlayay munaasabada soo dhaweyn ah oo magaalada Muqdisho loogu sameeyay xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya oo dhawaan ka soo laabtay dalka Nigeria halkaas oo ay kag qeybgaleen tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka.
195158560_4128987513811084_3388586103186
Daawo Khubada Guddoomiye Xaaji Oo Dhinacyo Badan

Sidoo Kale Aqriso SOMFA

Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Ku Shaqaynaa Khibrada Odayaasha Isboortiga Dalka”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this