Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaridka Iyo Muxaafidku Ilaa Hada Siday U Kala Haystaan 82 Xildhibaan Ee Golaha Wakiilada Iyo Dhaqdhaqaaqyada Socda.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani ayaa ilaa hada gacan sareeya oo haysta xildhibaano gaadhaya 42 kuwaas oo kala ah.

10 xildhibaan oo ka soo jeeda bariga Burco, 19 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha labada gudoomiye ee xisbiyada Ucid iyo Waddani, 8 xildhibaan oo gobolka Awdal ka soo baxay midkoodna ka soo jeedo Saylac iyo 5 xildhibaan oo ka soo kala jeeda Hargeysa Iyo Laascaanood kuwaas oo tiradoodu tahay 42 xildhibaan.

Xisbiga Kulmiye ayaa dhankiisa haysta 40 xildhibaan oo kala ah

13 xildhhibaan oo beesha madaxweynaha ka soo jeeda, 9 xildhibaan oo bariga Burco ka soo baxay, 5 xildhibaan oo Faratoon ka wato deegaankiisa,6 xildhibaan oo ay Cirro iyo Faysal isku deegaan yihiin,, 5 ka soo baxay Awdal iyo laba xildhibaan oo si madi ah uga soo baxay Hargeysa kuwaas oo tiradoodu tahay 40.

Mucaaridku waxay wali xodxodanayaan xildhibaano ka soo jeeda bariga Burco oo ay si adag uga hawl galayaan siyaasi Maxamuud Xaashi iyo hogaamiye Xirsi iyo xildhibaano ka soo jeeda Awdal oo Saylici ka taageerayo mucaaridku inay helaan, sidoo kale xildhibaan Axmed Nuur Guruje oo Kulmiye uga soo baxay Hargeysa ayaa wararku sheegayaan inuu xaga mucaaridka u janjeedho.

Dhinaca muxaafidka, xisbiga Kulmiye waxa uu xodxodanayaa 4 xildhibaan oo mucaaridka uga soo kala baxay gobolada Sanaag, Togdheer iyo Hargeysa kuwaas oo ay dhamaantood isku deegaan yihiin gudoomiyeyaasha xisbiyada Ucid Iyo Waddani.

Hadiiay hirgelaan qorshayaasha labada dhinac waxa suuragal ah inay si siman u kala qaybsadaan xildhibaanada oo 42 qaataan hadii midkood ka fashilmo qorshaha uu wataana waxa suuragal noqonaysa in dhinaca kale guulaysto.

Fadhiga ugu horeeya ee golaha ayaa la rajaynayaa in maalinta sabtida ah la qabto oo madaxweynuhu dhawaan shaacin doono inay isku yimaadaan kuwaas oo dhaarta ka dibna dooran doona shirgudoonka.

La Soco isbadalada hirdanka shirgudoonka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this