Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda oo sii deysay fanaankii sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay iyo xubno ka mid ah bahda fanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay xorriyadiisa dib usiisay Abshir Gaarane Axmed oo bishii Janaayo ee sanadkii hore warbaahinta ka sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. 

Abshir Gaarane oo sidoo kale ka tirsanaa Kooxda Fanka ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka soo muuqday isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, islamarkaana uu qaabilsanaa aruurinta arrimaha dhaqaalaha ama canshuuraha, waxa uuna markaaa u xirnaa hay’adda NISA. 

Abshir Gaarane ayaa lagu arkay Muqdisho toddobaadyo ka hor balse waxaa la sheegay in muddo bilooyin ah uu banaan joog yahay, sidoo kale waxaa jira tuhun laga qabo in lagu daray ciidamada ilaalada shacabka ee dharcadka ah isagoo ka baxay bahdii fanka. 

Dad xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wiilkaan, oo ay isku beel yihiin madaxweyne Farmaajo, in sii deysamadiisa uu wax ka ogaa Madaxweynaha kadib markii ay dhowr jeer u tageen odoyaal ku beel ah oo ka socday qoyska Gaarane. 

Abshir Gaarane Axmed ayaa xarigiisa kadib la waayay warkiisa iyadoo ay xusid mudantahay in aanan la geynin Maxkamad si loo baaro amaba loo hubiyo waxyaabaha uu sheegtay iyo eedaha loo jeediyay. 

Ma cadda illaa iyo hadda sida ay ku timid sii deyntiisa, wuxuuna ka mid yahay kiisad sidan oo kale ay dad ay dowladdu xirtay, haddana kadib la iska sii daayey ayada oo aan dacwado lagu soo oogin.

The post Xog: Dowladda oo sii deysay fanaankii sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this